U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya: 52 Qof Ayaan Ka Dilnay Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Qoraal ay soo saareen Jimcihii, ciidamada Kenya ee ku howlgala magaca AMISOM ee Jubbooyinka waxaa ay sheegayaan in ay weerar ku qaadeen Al-shabaab ay ku dileen illaa 52 qof halka qaar kalana ay dhaawaceen.

Weerar Kenyaanka ay geysteen waxaa uu ka dhacay Sarira, oo ka tirsan Badhaadhe, Jubbada Hoose halkaas oo ay ku sugnaayeen sida la sheegay ciidamada Al-shabaab.

Kenyaanka sida ay qoreen waxaa ay isticmaaleen ciidamo dhulka ah, Duqeymo iyo artillery, waxaa kaloo ay sheegeen in goobta ka soo qaateen: 7 qori oo AK 47, 1 PKM, 2 Taleefan,  4 qasnad oo xabado k buuxaan iyo 3 waxyaabaha qarxa ah.

Dhinaca kale, Goobjoog News, uma suurogelin in ilo madaxbannaan ay ka xaqiijiso warkan ay dowladda Kenya sheegtay.

Goobjoog News