U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya Oo Qarax Lagula Eegtay Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya qarax Miino lagula eegtay deegaanka Tarako oo hoostaga degmada Baardheere ee Gedo.

Qaraxan oo dhulka ku aasnaa ayaa haleelay mid kamid ah gaadiidka ay saarnaayeen ciidamada Kenya, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Dad ku dhow halka ay wax ka dhaceen ayaa sheegay iney arkeen  dhaawaca Labo askari oo Kenyan ah.

Ciidamadan ayaa kusoo socday sida la sheegay dhanka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku faafiyeen in qaraxan ay iyaga mas’uul ka ahaayeen, ayna ku dileen Labo askari oo Kenyan ah.

Saraakiisha ciidanka Kenya ee Gedo kama aanay hadal khasaaraha kasoo gaaray qaraxan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News