U bood dhigaalka

Ciidamo Dheeraad Ah Oo Lagu Arkayo Waddooyinka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta oo Arbaco ah waxaa magaalada Muqdisho lagu arkyaa ciidamo badan oo loogu talogalay iney sugaan amniga guud ee Muqdisho, kuwaasi oo ku sugan laamiyada magaalada.

Ciidamadan ayaa adkeynaya ammarkii dowladda Federaalka ay isku socodka Muqdisho ku xakameysay, iyadoo aaney jirin wax gaadiid dadweyne ah oo magaalada Isticmaalaya.

Waddooyinka qaar, saakay looma ogola xitaa in dadka shacabka ah ay si caadi ah ugu lugeeyaan.

Xarumaha ganacsiga ee ku teedsan ee waddooyinka Makk Al-mukarrama iyo Wadnaha ayaa gabi ahaanba maanta ah kuwo xiran, meelaha qaarna ganacsatada waa lagu wargeliyey iney xiraan.

Maanta oo Arbaco ah waxaa Muqdisho ka dhici doonta doorashada madaxweynaha, iyadoo 22 musharrax ay u taagan yihiin xilka madaxweyne.

Goobjoog News