U bood dhigaalka

Ciidamo Gaar Ah Oo Loo Tababarayo  Kismaayo

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay ku howlan yihiin diyaarinta ciidamo gaar ah oo boolis ah.

Taliyaha ciidanka booliska ee Jubbaland Jaamac Xasan ayaa sheegay in ay wadaan tababar siinta ciidamo boolis ah, oo uu sheegay in ay magaalada ka shaqeyn doonaan.

“Ciidamada booliska ee tababarka gaarka ah qaadanaya waxaa loogu talagalay inay qeyb ka qaataan sugidda amniga magaalada Kismaayo, oo waad la socotaan boolis la’aan inaanay magaaladu ahaan Karin” ayuu yiri taliyaha booliska Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugan ciidamo kala duwan sida Nabad sugidda, kuwa lagu magacaabo Daraawiishta iyo sidoo kale ciidamo millateri ah oo meelaha qaar ee magaalada jooga.

Maamulka degmada oo dhowr jeer arrimahani sheegay inuu wax ka qabanayo ayaana hirgelin islamarkaana lagu guuleysanin in ciidamada aan booliska ahayn magaalada laga saaro.

Arrintani ayaa la soo sheegayaa in ammaanka magaalada Kismaayo ay wax badan ka bedali karto haddii uu taliska booliska ku guuleysto inay hirgaliyaan ciidamo boolis ah oo u gaar ah Kismaayo.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada