U bood dhigaalka

Ciidamo Is Hortaagay Safar Uu Muqdisho Ku Imaan Lahaa Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug

Sheeko:Dalka

Ciidamo gadoodsan kana tirsanaa Nabad sugidda ayaa maanta waxa ay is hortaag ku sameeyeen madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo safar shaqo usoo aadi lahaa magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa diidey in madaxweyne ku xigeenka uu Muqdisho soo aado, waxaana ay ka cabanayaan mushaar la’aan muddo haysatay.

Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in ciidamadan ay la wareegeen madaxtooyada Galmudug, iyadoo arrintaan  aysan ka hadlin mas’uuliyiinta maamulka Galmudug.

Sidoo kale warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Goobjoog waxay sheegayaan in mudane Carabey ay ciidanku ku xareeyeen guri ku yaalla degmada Cadaado.

Goobjoog News, ayaa xiriir la sameysay mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, waxaana ay ka gaabsadeen in arrintaasi ay ka jawaabaan.

Tani ayaa imaaneysa xilli taliyahii ciidanka NISA ee Galmudug loo magacaabay taliyaha NISA ee gobolka Banaadir.

Goobjoog News