U bood dhigaalka

Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Oo Qarax Miino Lagula Eegtay Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax Miino lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Qaraxan ayaa ahaa Miino dhulka ku aasneyd, waxaana ciidankaan lagula eegtay inta u dhaxeysa degmada Balcad iyo deegaanka Qalimow ee Sh/dhexe.

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan, sababtuna waxay tahay ciidamada ayaa isku gadaamay halka qaraxa uu ka dhacay.

Goobjoog News, ayaan u suurtagelin xiriir ay la sameysay saraakiisha ciidanka dowladda ee Sh/dhexe iyo maamulka degmada Balcad si aan faah faahin intaan ka badan uga helno qaraxan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News