U bood dhigaalka

Ciidamo Maraykan Iyo Kenyan Isugu Jira Oo Qaraxyo Lagu Eegtay Duleedka Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in qaraxyo lala eegtay ciidamo isugu jira Kenyan iyo sidoo kale Maraykan, kuwaasi oo ku sugnaa duleedka magaaladaasi.

Sida ilo xog ogaal ah ay Goobjoog News u sheegeen, ciidamadan ayaa halkaasi howlo shaqo u joogay, waxaana mar qura la maqlay qaraxyo dhacay oo illaa hadda nooca ay yihiin la caddeyn, balse la sheegay iney khasaare geysteen.

Saraakiisha Jubbaland ee iyaguna wehlinayey askartaan waxay ka gaabsadeen in faah faahin dheeraad ah ka bixiyaan qaraxyadaasi,

Ciidamada Maraykanka ah ayaa magaalada Kismaayo maalmihii ugu dambeeyay u joogay howlgallo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News