U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda Iyo AMISOM Oo Faarujiyay Degaanka Halgan Ee Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ayaa isaga baxay degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya degaanka Halgan ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay saaka banneeyeen dhammaan fariisimihii ay kaga sugnaayeen degaankaasi Halgan.

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ka baxay degaanka Halgan ay fariisimo ku sameysteen degaanno duleedka ka xiga Halgan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay aadeen jihada magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaasoo dhowaan ay gaareen ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo ka soo baxay degaanka Ceelcali ee isla gobolka Hiiraan.

Dadka degaanka ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in degaanka Halgan ay gudaha u galeen dagaalyahannada Xarakada Alshabaab oo ay la wareegeen.

Saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM weli wax faahfaahin ah kama aynaan bixin tallaabada ciidamadooda ay kaga baxeen degaanka Halgan oo u ahaa fariisimo u muhiim ah marka loo eego dagaalka ay kula jiraan Alshabaab waana degaanka Istaraatiiji ah.

Goobjoog News