U bood dhigaalka

Ciidanka Galmudug Oo Deegaan Kala Wareegay Ahlu-sunna Iyo Xiisad Ka Jirta Galgaduud

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa ciidamo ka tirsan Galmudug oo la wareegay deegaanka Mareergur ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay maamulayeen ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca.

Ciidamadan la wareegay deegaankaan ayaa la sheegay iney ka ambabaxeen degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana markii ay halkaasi ku dhowaadeen la sheegay in  ciidanka Ahlu-sunna ay isaga baxeen Mareergur.

Dhanka kale, waxaa gobolka Galgaduud laga soo sheegayaa inuu ka socdo dhaq-dhaqaaq ciidan oo ay kala wadaan maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna.

Ciidamada Ahlu-sunna ee dhowaanahan ku sugnaa dhanka deegaanka Xeraalle ayaa la sheegay in halkaasi ay kasoo tageen, iyaga oo soo aaday dhanka deegaanka Mareergur.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in ciidamo kale oo ka tirsan Ahlu-sunna kana soo baxay degmada Dhuusamareeb ay soo gaareen deegaanno ku dhow deegaanka Mareergur ee ay la wareegeen ciidamada Galmudug.

Ma jirto wax isku dhac Labada dhinac ah oo lasoo sheegay, hase ahaatee dadka ku dhaqan deegaannada ay xiisaddan ka jirto ayaa lasoo sheegayaa iney ka baqayaan dagaallo dhaca.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News