U bood dhigaalka

Wararkii U Dambeeyay Ee Degmada Qandala

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa ku sii jeeda magaalada Qandala oo ay maamulayso malleeshiyo ka tirsan kooxda Daacish.

Wariyaha Goobjoog ee Garoowe ayaa soo sheegaya in xaaladdu ay tahay mid aan fiicneyn oo dadka reer Qandala badankood ay isaga barakaceen halkaasi.

Qandala waa dhul xeebeed ka tirsan gobolka Bari waxaana laga cabsi qabaa in ciidanka Puntland iyo kuwa Daacish ay ku dagaallamaan.

Ciidamo kale oo Puntland ah ayaa wararku sheegayaan in dhanka xeebta ee magaalada ayay uga soo socdaan.

Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland waxaa laga soo xigtay in Qandala ciidanka dhowr jiho ay ka abbaarayaan si qabashadeeda ay u sahlanaato.

Waxaa sidoo kale jira in ciidamo ka tirsan Puntland ay kaga socdaan dhanka badda islamarkaana waxaa jira maraakiib dagaal oo dowlado caalami ah ay leeyihiin oo la soo sheegayo in Puntland ciidankeeda ay ka gacan siinayaan qabashada degmada Qandala.

Qandala oo ah magaalo xeebeed ayaa qiyaastii wax ku dhow 100 KM dhanka bari uga beeghan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari dhowaanna waxaa gacanta ku dhigtay kooxda hubeysan ee Daacish taabacsan kuwaasoo weli maamulaya magaaladaasi.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada