U bood dhigaalka

Cilmibaaris Cusub: Guurku Waxa uu Aad Uga Caafimaad Badan Yahay Doobnimada

Sheeko:Caafimaadka

Cilmibaaris cusub oo laga sameeyay guurka ayaa sheegaysa in dadka xaaska ah ay yihiin kuwa ugu caafimaadka badan marka loo eego dadka doobka ah iyo kuwa kale ee garoobka ah, sababo ay ka mid yihiin harmoonnada keena walwalka oo hooseeya darteed kuwaas oo keena cafaamidaarro dhinacyo badan.

Cilmibaarisyo hore ayaa isku xiray guurka iyo cimridherarka iyo faa’idooyin kale oo farabadan, iyadoo arrintaan loo aaneynayo dhowr arrimood oo isbiirsaday oo ay ka mid tahay dakhiliga qoyska caymiska caafimaadka oo ay helaan ama sida ay ku heli damaanad nololeed. Laakiin warbixinta cusubi waxay tilmaameysaa in guurku leeyahay faa’idooyin kale oo ah inuu xad u yeelo walwalka.

Si loo sameeyo warbixinta, dadka cilmibaarayaashu waxay si gaarka u beegsadeen hormoonka cortisol oo jirku uu soo saaro marka uu qofku walwalo, waxaana cilmibaaristan ka qeybgalay 572 qof oo rag iyo dumarba iskugu jira, kuwaas oo da’doodu u kala dhaxayso 21-55 sano jir.

Brian Chen oo ahaa ninkii cilmibaaristan hoggaminayay  ahna cilmibaare dhanka cilmiga nafsiga ah ee jaamacadda Carnegie Mellon ee magaalada Pittsburgh ee gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka ayaa yiri, ” Natiijooyinka aan gaarnay waxaa ka mid ah sida xaaladda nafsiyan aan dareemayno sida ay galgal ugu leedahay nolosheenna iyo guud ahaan caafimaadka jirkeenna una saameynayso”.

Guudka ayuu ku tilmaamay mid qofka ka saacidaya inuu nolol caafimaad ku noolaado ama uu ka fogaado habdhaqan kasta oo keenaya inuu qofka cudur ku dhaco ama uu mukhaadaraad barto.

Si kastaba, cilmibaarayaasha ayaa sheegay in natiijada ay gaareen ay tahay mid hordhac ah, laakiin guud ahaan markasta uu guurku ka caafimaad badan yahay doobnimada amaba goobnimada.