U bood dhigaalka

Cilmibaaryaal Ka Digaya Dhibaatada Caafimaad ee Shaaha Caddeyska ah

Sheeko:Caafimaadka

Culumo-saynisyahanno ah oo u dhashay dalka Jarlmalka ayaa ka digay Shaaha caddeyska ah oo saameynta taban  ku yeelanayo caafimaadka aadanaha.

cilmibaarayaasha ayaa sheegay in shahaa oo caano caddeys ah lagu darsado uu keeni karo calool majiir iyo kalyaha oo dhagaxaan ay ku beermaan. Xaaladduna way kasii dari karta, ayay yiraahdeen, marka caddaysku yahay caano-boore(caanaha gasacadeysan).

Dad badan oo dunida daahafeeda ku nool ayaa aaminsan in shaaha caddeysku yahay mid faa’iidooyin badan si maalin leh ahna u cabba, la’aantiina aan joogi karin.

Cilmibaarayaashan u dhashay dalka Jarmalka ayaa waxay sameeyeen daraasad ballaaran oo ah saameynta shaaha caddeyska ah ee dhinaca caafimaadka aadanaha. Daraasaddan ayaa loo sameeyay labo qeybood mid keed uu yahay; habidda shahaaha-caddeyska ah, halka midda kalena ay ahayd in dadkii ka qeybgalayay ay cabayeen biyo bedelay shaaha caddeyska ah.

Markii ay dhamaatay tijaabadii ayaa sheybaarro lagu sameeyay dadkii mutadawiciinta ahaa ee daraasadda ka qeybgalay, waxaa soo baxday in dadka shaaha caddeyska ah cabaa ay la kulmeen dhibaatooyin dhanka caloosha ah isla markaan la arkay kalyaha iney dhagaxaan ku sameysmaan. Halka dadkii biyaha sida caadiga ah u cabayna aan wax dhibaato ah oo dhanka caafimaadka ah aan lagu arkin.

Cululmada ayaa ku talinaya in shaaha caddeyska ah lagu bedelo liin-dhanaanata oo faa’idooyin badan oo dhanka caafimaadka ah leh.