U bood dhigaalka

Ciraaq Iyo Suuriya Kadib….Daacish Halkee Ku Sii Jeedaan?!

Sheeko:Dalka

Jabka Daacish ka raacay Ciraaq iyo Suuriya iyo ka bixitaankooda sida Muusil(July 10, 2017 ) iyo  Raqqa(October 17, 2017) waxaa ay soo dedejisay su’aalo badan oo ay ka mid yihiin Intee Ku Socdaan?

Daacish waxaa ay qaabab kala duwan u joogeen gobolkaasi 10-kii sano ee la soo dhaafay, waa adag tahay in si fudud ku baaba’aan, waana hubaal in meelo kale u dhaqaaqi-doonaan si ay gabbaad uga dhigtaan.

Yaa Jibiyay Daacish:

Ciraaq: Daacish waxaa Ciraaq ka saaray ciidamo kala duwan oo isugu jira ciidamada Ciraaq, maleeshiyaad Shiico ah oo ay Iran soo tababartay, ciidamada Kurdiyiinka Pesh-merga loo yaqaano iyo Maleeshiyaad Sunni ah, dhinac walbo ayaa laga weeraray, illaa markii dambe ay iska cararaan.

Suuriya: Dalka Suuriya waxaa Daacish magaalooyinka ka saaray ciidamo daacad u ah Bashaar Al-asad iyo xulafadooda Ruushka iyo Iran, waxaa kale oo dagaalka ku jiray mucaaradka Kurdish-ta hogaamiyaan ee taageerada ka hela Mareykanka.

Daacish waxaa ay ka jirtaa dhammaan Qaaradaha adduunka balse waxaa ay ku xoog badan yihiin inta u dhaxeysa North Africa illaa India.

Daacish, sidee Ku Bilaabatay?

2004-tii, markii ugu horeysay , Abu Musab al-Zarqawi  ayaa faraca Al-Qaa’ida ka furay dalka Ciraaq, dalkaasi waxaa xilligaas qabsaday ciidamo Mareykan ah.

April 2010 – waxaa Daacish madax ka noqday Abu Bakr al-Baghdadi  kadib markii Mareykanka duqeyn ku dileen Cumar  al-Baghdadi iyo al-Masri, waxaa uu waday dagaal hoose illaa January 2014 –kii ay qabsadaan Falluja.

February 3, 2014 – Al Qaeda waxaa ay sheegtay in aanu xiriir kala dhaxeyn Daacish, 3 bil kadib kooxda waxaa ay qabsadeen  magaalooyinka Muusil iyo Tikrit iyaga oo ku dhawaaqay dowladda Islaamiga ah,  Amiir waxaa noqday Sheekh Abu Bakr Al-Baqdaadi.

July 2014 – wixii ka dambeeyay Daacish waxaa ay qabsadeen magaalooyin caan ah sida Ximis oo ah magaalo Shidaal, waxaa kale oo ay dagaal ka galeen dhul 90-mile ah oo u dhaxeeyay Deir Al-zuur illaa xadka Suuriya la wadaagto Ciraaq. Daacish waxaa lagu eedeeyay in ay dileen haween, caruur iyo dadka laga tirada badan yahay sida Yazidi.

Dhowr Xaqiiqo Oo Daacish Ku Saabsan:

2014, Daacish waxaa ay xoog ku hesyteen dhul gaaraya illaa 34,000 square miles oo ka tirsan Suuriya iyo Ciraaq, waxaa dhulka u dhaxeeyay xeebta Mediterranean-ka illaa koonfurta Baqdaad halka 2016-kii dhulka ay Daacish ka taliyaan waxaa uu ku soo koobmay 23,320 square miles.

Dalalka ay u dhaceen Daacish waxaa ugu badnaa illaa lix dal:  Tunisia, Sacuudiga, Ruushka, Turkiga iyo Urdun. Kooxdan Daacish waxaa lacag ka heli jireen shidaalka, canshuurta, madax furashada, iibinta waxyaabaha taariikhiga ah iyo dalagga.

Daacish Intee Ku Socdaan:

Mar haddii la soo afjarayo Daacishta Ciraaq iyo Suuriya waxaa su’aal ka taagan tahay halkee ku socdaan, waxaan su’aasha ugu muhiimsan.

Marka hore, waxaa ay cabsi gaar ah heystaa dalal ay ka soo jeedaan dagaal-yahannada ee Daacish sida Tunisia, Sacuudiga, Ruushka, Turkiga iyo Urdun, waxaa hubaal in qaar badan ay dalka dib ugu noqon-doonaan.

Yurub Iyo Mareykanka: Dagaalyahanada qaar sidoo kale, waxaa ay ka yimaadeen Qaaradaha Yurub iyo Mareykanka, in badan oo ka mid ah waxaa ay ku noqon-doonaan dalalka reer galbeedka.

Gacanka Cadan: In badan oo ka mid ah dagaal-yahannada Daacish waxaa ay soo aadi-doonaan Yemen iyo Soomaaliya, dalka Yemen waa  dhul si fudud loogu dhuuman karo, waxaa aad u adkaatay in ay qabsadaan dalal badan oo hadda ugu dambeyeen xulafada Sacuudiga.

 Soomaaliya: Waxaa ay dhanka Soomaaliya  ka faa’ideysan karaan dhulka u dhaw xeebaha, hadda waxaa la sheegayaa in 200 oo Daacish ay joogaan Puntland.

Daacish lagama maqal Soomaaliya wixii ka horeeyay 2015-kii , jiritaankoodaba waxaa uu soo shaac-baxay sanadkaasi gaar ahaan markii ay kala jabtay xarakada Al-shabaab.

Waqooyiga Afrika: Daacish meelaha ay xoogga saari-doonta waxaa ka mid ah dalalka Waqooyiga Afrika gaar ahaan Masar iyo Libya, dalka hore waxaa jooga ciidan iyo hoggaamiye aad u neceb Ismaaliyiinta waa Cabdifitaax SISI halka Libya aaney laheyn dowlad iyo nidaam xoog leh.

Afgaanistaan, Pakistaan Iyo India: Daacish waxaa ay joogaan dalalkaasi, waxaana la filan-karaa in ay sii kordhaan tirada joogta.

Dalalka Ku Dhaw Ruushka: Islaamiyiinta iyo Ruushka xiriirkooda ma fiicneen tan iyo dagaalkii qaboobaa, waxaa intaasi dheer, Ruush-ka waxaa uu kaalin-weyn kulahaa in Daacish ka baxaan Suuriya, waxaa la filayaa in ay aadaan dalalka ku dhaw Ruushka si ay u qal-qal geliyaan Moscow.

Shiinaha: Waxaa jirta cabsi ku saabsan in Daacish ay aadi karo bariga fog iyo Shiinaha halkaas oo in badan ay xer ku lahaayeen.

Goobjoog News