U bood dhigaalka

Ciraaq Oo Xayiraad Kusoo Rogeyso Gobolka Kurdiska

Sheeko:Dalka

Dowladda Ciraaq ayaa waxay xayiraad saareysaa gobolka Kurdistaan kaasi oo doonayo inuu ka go’o Ciraaq inteeda kale.

Xayirad cusub ayaa waxay ku soo rogtay xukuumadda Baqdaad gobolkaanii waxyaabaha ay xayiraada saareyso waxaa ka mida Bangiyada ku yaalo gobolka Kurdiska kuwaas oo lacagaha u kala xawilaha deegaanada gobolkaasi.

Dhanka kale madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in dalkiisa uu ku soo rogi doono cuno qabateyn  waqooyiga ciraaq isaga oo ku sababeynayo aftida loo qaaday gobolka Kurdiska.

Aftida loo qaaday gobolkaan ayaa waxaa keenay muran badan wadamo badan oo ka tirsan caalamka way ka horyimaadeen waxaana ka mida wadamadaas,Mareykanka,Turkiga,Iran iyo qaramada midoobay.