U bood dhigaalka

Cosoble Oo Tagey B/weyne Iyo Kulamo Uu La Qaadanayo Waxgaradka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaa maanta oo Talaado ah gaaray madaxweynihii Hirshabelle ee dhowaan xilka ay ka qaadeen xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi.

Cosoble, waxaa safarkiisan ku wehlinaya xubno kamid ah maamulka Hirshabelle, waxaana lagu soo dhoweeyay garoonka B/weyne.

Waxaa loo galbiyey Cosoble oo sheegaya inuu yahay madaxweynaha Hirshabelle, xarunta maamulka gobolka Hiiraan, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo waxgaradka gobolkaasi.

Ulajeedka uu Cosoble u tagay B/weyne ayaa lagu sheegayaa iney kamid tahay sidii reer Hiiraan uu uga dhaadhicin lahaa inuu weli yahay madaxweynaha Sharciga ee maamulka Hirshabelle.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News