U bood dhigaalka

CPJ: Soomaaliya Oo Kaalinta 1aad Ka Gashay Goobaha Aan Lagu Ciqaabin Dilaaga Saxafiga

Sheeko:Dalka

Waxaa sanadkii 10aad la soo saaray  qiyaasta saxafiyiinta sida gar-darada ah loo bartilmaameedsado, 7 dal ayaa ku jira sanadkan iyo sanad walba, Soomaaliya ayaa sanadkii 3aad oo isku xiga noqotay dalka 1aad ee aan la ciqaabin dadka Saxafiyiinta dila.

journalist

Soomaaliya waxaa la sheegayaa in 20 saxafi wax ka badan la dilay 10kii sano ee la soo dhaafay taas oo aan la ciqaabin dilaagii sababo la xiriira cadaaladda iyo garsoorka oo liita awgeed iyo dagaallada sokeeye.

Dalka Suuriya oo dagaallo sokeeye ka jiraan ayaa sanadkan galay kaalinta 2aad halka Ciraaq ay noqotay dalka 3aad ee aan la ciqaabin dilaaga saxafiga, waxaa kale oo 4aad galay Koonfurta Suudaan ooh al meel lagu dilay 15 saxafi sanadkii 2015-kii.

Dalka Afgaanistaan ayaa laga reebay liiskan markii ugu horeysay tan iyo markii la bilaabay qiimeyntan 2008dii, 12 saxafi ayaa dalkaasi lagu dilay 10kii sano ee la soo dhaafay.

12ka dale e qiimeyntan ku jira waxaa la sheegayaa in ay ka dhaceen 80% dhammaan dilalka saxafiyiinta loogu geysto caalamka.

93% Saxafiyiinta waxaa loo dilaa arrimo la xiriira siyaasadda iyo musuqa dalalkaasi ka dhaca oo ay ka hadleen, 25% waxaa saxafiyiintan dilkooda lagu tuhmayaa Siyaasiyiinta iyo ciidanka dalalkaasi.

40% Saxafiyiintan inta aan la dilay waxaa loo soo diray fariimo la xiriira caga-jugleen iyo handadaad toos ah, taasi oo waajib ka dhigeysa in lagu dadaalo nabad-galyadooda.

Warbixintan ayey soo saartay CPJ iyaga oo November 2deeda sanad walba la xuso Maalinta soo afjarista gacmo ka laabashada dambiyada loo geysto saxafiyiinta.

Goobjoog News