U bood dhigaalka

C/raxmaan C/shakuur Oo Ku Dhaawaq Inuu Yahay Musharax Madaxweyne 2016

Sheeko:Dalka

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo xilal kala duwan oo illaa heer wasiir ah dalka kasoo qabtay ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweyne doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo sanadkaan 2016.

Munaasabad shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho ayuu mas’uulkaan kaga dhawaaqay musharraxnimadiisa, waxaana munaasabadaasi ka qeybgalay Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo dhallinyaro.

Khudbad uu musharax C/raxmaan C/shakuur halkaasi ka jeediyey ayaa ugu horreen waxa uu sharaxay hiigsigiisa haddii uu noqdo madaxweynaha dalka

Waxa uu tilmaamay In uu la imaan doono aragti qaran, talo wadaag iyo in uu tixgeliyo dhammaan fikradaha saliimka ah ee wax dhiska ku qotoma.

Waxa uu sheegay in sidoo kale uu la imaan doono hufnaan shaqo, lalana xisaabtami doono dhammaan hay’adaha dowladda.

Wax ka qabashada arrimaha garsoorka, musuq maasuqa, iyo ku takri falka awoodda iyo  hantida ayuu sheegay in uu wax badan ka qaban doonao kuna shaqeyn doono isla xisaabtan.

“Dalka wuxuu u baahanyahay hoggaan cusub hoggaan dib u heshiisiin iyo dood qaran ka fura qadiyadaha dadku isku maan dhaafsanyahay iyadoon cidna la tuhmin ama la eedeyn, sida doodaha la xiriira qaabdhismeedka dawladeed iyo hoos u dejinta maamulka,  baahinta iyo qaybinta awood xukun, cadaalad u qaybinta dakhliga iyo khayraadka dalka”

“Dalku wuxuu u baahanyahay hogaan aamina isku tashi, dadkana soo hordhiga taxiyaadka iyo caqabadaha nagu hor gudban bidhaamiya tabarta marwalba la guuri karo, hogaan Sharciyadda iyo aqoonsiga ka raadiya waxqabadka dadkiisa iyo horumarinta danta dalka”

“Hoggaan dhisa haybad qaran taas oo ah dhismaha ciidan muunad qaran leh, Maleeshiyo beeleedyo ma noqon karaan ciidan qaran, Soomaalidu waa ku filan tahay in ay Shabaab iska celiyaan waxaana cadayn u ah Puntland iyo Galmudug iyo Ahlu Sunna oo ka sii horeysay, waxaan taa ka dhicin dhismaha ciidan booliska, nabadsugidda iyo asluubta oo lafdhabar u ah ilaalinta amniga, soo celinta sharciga iyo kala dambeynta iyo la dagaalanka argagaxisadda”

“Dalku wuxuu u baahanyahay wax ka qabashada Musuqa baahay sida keli ah ee wax looga qaban karaahina waa dhismaha gudiga Soomaali iyo khubaro caalami ah ay ku jiraan kaas oo leh awood baaris, eedeyn iyo xirid intaba”

“Dalku wuxuu u baahan yahay dib u heshiin bulsho oo ay hormuud ka yihiin hogaamiyayaasha dhaqanka, iyo mid siyaasadeed oo ay lagama maarmaan tahay in political eliteka Soomaaliyeed isla meel dhigaan Ajandaheeda iyo ujeedkeedaba” ayuu yiri Musharax C/raxmaan C/shakuur.

Musharraxa ayaa dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday arrimo muddo aad loo hadal haayey oo ahayd halka ay kasoo billaabatay dooddii badda ee Kenya , waxaana uu sheegay in arrintaasi ay tahay mas’uuliyad wadareed ay qaadayso xukuumaddii xilligaasi uu hogaaminayey Ra’iisul wasaaraha iminka shaqeynaya ee Cumar C/rashiid.

“Waxaan rabaa inaan ka hadlo arrintan oo markasto lagu xiriiriyo magacayga dhowr jeerna waan ka hadlay, waxaa jira wax la yiraahdo mas’uuliyad wadareed, dowlad markii ay timaado waxaa jira wax la yiraahdo mas’uuliyad wadareed, waxaan rabaa in si kooban u sheego sida ay arrintaasi u dhacday, waan ku faraxsanahay in dowladda maanta jirta ka faa’iday go’aankii aan gaarnay 2009, sababtoo ah Labo dowladood markii uu muran ka dhaxeeyo Saddex waddo ayaa u furan inay ku xalliyaan waxa ka dhaxeeya, waxaana ka mid ah in muranka iyaga dhexdooda ah isaga filnaadaan oo iska xalliyaan, in hay’ado dowli ah oo ka wada tirsan yihiin u bandhigtaan ama dowlad ay ku kalsoonyihiin, midda Saddexaadna waa inay aadaan garsoor ama maxkamad caalami ah, markii Kenya nagu qabsatay annaga arrintaasi nasiib wanaag aniga ma joogin magaalada, 38 wasiir ay qaarkood hadda joogaan, madaxweyne Sheekh Shariif waa nool yahay, Ra’iisul wasaaraha isaga ayaaba ra’iisul wasaare ah, 38 marka laga reebo 4 dhimatay golaha wasiirada ayaga ayaa fariistay oo go’aan ku gaaray oo dood ka yeeshay oo kor iyo hoos uga hadlay inay qaataan doorashada Koowaad oo ah in annaga iyo Kenya muranka noo dhaxeeya ka wada hadalno, anniga qeyb kama ahayn golaha wasiirada ee doodaasi galay, safar ayaan u jiray wadanka Botswana shir ayaana ka qeybgalayey, heshiiska ha ahaado is afgarad, ama heshiis rasmi ah waxaa saxiixa wasiirka arrimaha dibadda oo dalka ka maqnaa, haddii marka la saxiixayo waa inuu Ra’iisul wasaaraha ku siiyo awood lagu saxiixdo heshiis warqad kasoo baxday wasiirada ayaan ku saxiixay, dowladda hadda joogta waxay qaadatay dooarashada Saddexaad oo ah dacwad caalami ah, dabcan sababo ayaa ku kallifay iskama aysan qaadan, maxkamaddii caalamiga ahayd waxa ugu horreeyay ee laga fiiriyey waxay ahayd idinka iyo dowladda deriska ah murankaan maka wada hadasheen dowladeenii waxay tiri haa, sidaasi ayaa lagu furay kiiska maxkamaddaasi, haddii aanu wada hadalkaasi ama saxiixaasi dhici lahayn maanta dacwadaasi lama fureen lama rabo in dadka lagu xad gudbo ama dicaayad laga faafiyo” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Musharax C/raxmaan C/shakuur ayaa sidoo kale sheegay in haddii uu ku guuleysto xilka madaxweynenimo diyaar u yahay in lala xisaabtamo cid walbo oo Soomaali ah dalkana ka gasha ku tagri fal awoodeed ama mid hanti xitaa isaga iyo wasiiradii uu ka tirsanaa, madaxweynihii iyo Ra’iisul wasaarihii xilligaasi joogay waa sida uu hadalka u dhigaye.

C/raxmaan C/shakuur ayaa ka mid ah musharraxiinta loogu hadal haynta badan yahay ee usoo istaagay xilka madaxweyne doorashada dhici doonta sanadkan 2016.

Waa kuma C/raxmaan C/shakuur?

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa uu ku dhashay 1968-dii magaalada Buulo Barde ee gobolka Hiiraan.

C/raxmaan wuxuu shahaadadiisii Koowaad ee Jamacadda ka qaatay Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika ee wadanka Suudaan oo uu ka bartay sharciyada, isagoo Shahaadadii Labaad Masters Degree ku sameeyey (LOW COMPARATIVE FEDERALISM) wadanka Malaysia Jaamacadda National University Of Malaysia.

Waxaa uu si fiican usoo caanbaxay wada hadalladii Djibouti  ku dhexmaray maxaakiimta Islaamiga ah iyo dowladdii  Cabdullaahi Yuusuf madax u ahaa, isagoo hogaaminayey wafdigii wadahadallada u matalayey isbaheysigii dib u xoreynta Soomaaliya ee ARS, wada hadalladaas ayaa markii dambe lagu dhisay dowlad, waxaana hoggaamiye ka noqday  Sheekh Sharif Sheekh Axmed.

Xukuumaddii  Cumar Cabdirashid ee xiligii Sheekh Shariif  Febraury 21. 2009- illaa Nov-18-2010, waxaa Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame ka ahaa Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah, waxaa uu sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaankii TFG-da.

C/raxmaan C/shakuur waxaa uu ahaa 4-tii sano ee lasoo dhaafay La taliyaha Dhinaca             siyaasada ee  ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay u qaaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

June 20, 2016: Waxaa uu ku dhawaaqay in uu yahay murashax u taagan doorashada Soomaaliya 2016ka

Goobjoog News