U bood dhigaalka

C/raxmaan Faroole: Kama Harin Tartanka Doorashada Madaxweyne

Sheeko:Dalka

Senator C/raxmaan Maxamed Faroole ahna musharrax u taagan xilka madaxweyne ayaa  waxbo kama jiraan ku sheegay inuu isaga haray tartanka madaxweyne ee Soomaaliya.

Faroole ayaa tilmaamay in warbaahinta qaar ay ka baahiyeen inuu isaga haray tartanka madaxweyne, wuxuuna sheegay iney taasi qeyb ka tahay ololaha lagu doonayo in musharraxiinta lagu kala reebo.

“Waxa la iga sheegay ee ah inaan isaga haray tartanka madaxtinimo  waa waxbo kama jiraan, waxaan middaasi u arkaa in loogu adeegayo musharraxiinta qaar, ulajeed aan tartanka uga haro maba jiro” ayuu yiri Faroole.

Dhinaca kale C/raxmaan Faroole oo ka hadlay kulan albaabada u xirnaa oo isaga, Ra’iisul wasaare Cumar iyo Madaxweyne Gaas ku yeesheen Garoowe ayuu ku sheegay inuu ahaa mid wada tashi ah oo looga hadlayey aayaha Puntland iyo kan guud ee dalka.

Dhowaan waxaa magaalada Muqdisho la filayaa in lagu qabto doorashooyinka guddoonka Labada aqal ee baarlamaanka iyo sidoo kale midda madaxweyne.

Goobjoog News