U bood dhigaalka

Cudurka Shuban Biyoodka Oo Ka Dilaacay J/dhexe

Sheeko:Caafimaadka

Waarka ka imaaanaya gobolka Jubada Dhexe, ayaa sheegaya in cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay deegaanno ka mid ah gobolkaasi, kaasi oo ay la il daran yihiin dad badan.

Degmooyinka Bu’aale iyo Salagle ee gobolka Jubada Dhexe ayaa lasoo sheegayaa in ay yihiin meelaha ugu daran ee cudurkaan uu ka jiro, iyadoo dadku ay u baahan yihiin gurmad caafimaad.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan Salagle oo sababo amni magaciisa u qariyey ayaa u sheegay Goobjoog News, in dadka ku dhaqan deegaankaasi iyo sidoo  kale degmooyinka kale ee gobolka Jubada Dhexe isugu darsantay abaar iyo cuurka shuban biyoodka.

“Xaaladda ka jirta gobolka Jubada dhexe waa mid aad u halis ah, waxaana jira abaar iyo sidoo kale cudurka shuban biyoodka oo dad badan ay la il daran yihiin, maleh xarumo caafimaad oo dadka baahidooda dabooli kara, mana garan karno sidaan gurmad ku heli lahayn”

Inta badan degmooyinka iyo deegaannada gobolka Jubada Dhexe, waxaa gacanta ku haya xarakada Al-shabaab, iyadoo ay adag tahay in hay’ado samofal ama dowladda federaalka ay halkaasi gurmad dawo iyo raashiin ah geyso.

Goobjoog News