U bood dhigaalka

Cudurka Shubanbiyoodka Oo Ka Dilaacay Magaalada Dhuusomareeb

Sheeko:Caafimaadka

Cudurka Shuban biyoodka oo ka dilaacay magaalada Dhuusomareeb iyo degaannada ku hareereysan ayaa waxa uu soo ritay dad aad u farabadan  oo qaarkood la seexiyey isbitaalka magaalada Dhuusomareeb ee Xanaano  iyadoo dadka isbitaalka la geeyey ay gaarayaan ilaa  30 qof .

Madaxa isbitaalka  Xanaano  ee magaalada Dhuusomareeb Dr. Cabdiraxmaan  Beeriyow oo la hadlay Goobjoog News ayaa  sheegay in dadka uu soo ridanaayo Cudurka Shubanbiyoodka ay aad u sii kordhayaan waxa uuna arrintaan ku sababayay  isbadalka  cimilada iyo nadaafadda deeganka oo meelaha qaar aan wanaagsaneyn isgoo arrintaasi ka hadlaayo waxaa hadaladii ka mid ahaa:

“Isku geeynta ilmaha hadda isbitaalka u jiifo oo kala duwan oo qaarkood baadiyaha laga keenay iyo deegaanka labadaba waa 24 caruur ah labadii todobaad ee u dembeysay kiisaska nagu soo badanaayey waxay aheyd shuban biyoodka kaas oo ka jira deegaanka iyo meelaha u dhowdhow waxaan is dhihi karaa waxa keenay shubanbiyoodka waa cimilada dhanka hawada ah”

Dr Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in caruurta isbitaalka lasoo gaarsiiyey ay intooda badan ay daaween iyadoo qaar ka mida caruurtaas ee dib guryahooda loogu celiyey  kuwa kalana ay sibitaalka wali ay kula tacaalayaan .

Ugu dembeyntii dhaqatarka  ayaa fariin udiray bulshada si looga hortago cudurka shubanbiyoodka inuu sii faafo  isagoo dhaqtarka sheegay in looga hortigi karo cudurkaan in caruurta la siiyo biyo nadiif ah iyo in la joojiyo dhammaan banana ku saxaroodka oo inta badan  uu ka dhasho cudurkaan.

Cudurka Shuban biyoodka oo ka dilaacay magaalada dhuusomareeb ee gobolka galgaduud ayaa waxa uu dareen xoog leh galiyey bulshada ku dhaqan halkaasi iyadoo saacadba saacadda ka dembeyso uu soo ridanaayo dad hor leh.