U bood dhigaalka

Cudurrada Duumada Iyo Shuban Biyoodka Oo Ka Dilaacay Deegaanka Xeraale Ee Galgaduud

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in cudrro ay ka dilaaceen deegaankaasi, kuwaasi oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.

Guddoomiyaha deegaankaasi Daahir Dhago-badan oo la hadlay Goobjoog, ayaa sheegay in hadda dadka badi ay la il daran yihiin cudurrada Duumada iyo Shuban Biyoodka.

Wuxuu sheegay ineysan jirin dawo rasmi ah oo ay dadkan u hayaan, sidoo kalena wuxuu sheegay in laga gaabiyey baaqyo ay u direen dowladda Federaalka iyo Galmudug.

โ€œDadku wuu daadsan yahay, Xeraale caafimaadkeeda waa in wax laga qabtaa, waxaan idiin sheegayaa iney dadka guryahooda daadsan yihiin, in Duumo iyo Shuban Biyood ay dadka si baโ€™an ula jiifaan, mana jirto dhaqtar daweeyaโ€ ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn, guddoomiye Dhago-badanย  ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug in sida ugu dhaqsiyaha badan ay gurmad caafimaad ula soo gaaraan shacabka ku dhaqan deegaankaasi.

Goobjoog News