U bood dhigaalka

Culimada Soomaaliyeed Oo Bayaan Ka Soo Saaray Tacaddiyada Yuhuudda Ku Heyso Masjidka Al-Aqsa

Sheeko:Dalka

Bayaan ay maanta soo saareen Culimada kala ah Sheekh Bashiir Axmed Salaad guddoomiyaha hey’adda Culimada, Sheekh Yusuf Ceynte oo Majmac ah iyo Sheekh Cabdiqadir Sh. Maxamed Soomow ayaa lagu  cambaareeyay tacadiyada Yuhuudda ka waddo Masjidka Al-Aqsa.

Culimada ayaa sheegaya in gumeystaha Yuhuudda ay Muslimiinta u diideen in ay galaan Masjidka, kuna cibaadeystaan, waxaa  kaloo goobta ka dhacay dil iyo tacadiyo kale, sida culimada sheegeen.

Hadaba, Culimada Ayaa Soo Saaray Bayaanka Hoos Ku Qoran:

  • Culimada Soomaaliyeed waxaa ay cambaaraynayaan falalkaasi foosha xun, waxaa ay u arkaan xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo xoriyadda cibaadada.
  • Culimada waxaa ay ka digayaan sirta ku jirta waqtiga lagu soo beegay tacadiyadaas iyaga oo ku baaqaya in si degdeg ah looga jawaabo.
  • Culimida waxaa ay taageersan yihiin walaalaheen Falastiin ee heegan ku ah masjidka hareerihiisa una jixin jixeen tacadiyada, ilaa ay ka helaan xuquuqdooda.
  • Culmida waxaa ay ugu baaqayaan dowladaha Islaamka in ay xasilistaan Khilaafaadkooda, una midoobaan Mowqifkooda si ay u gutaan waajidka ka saran xal u helidda arrimaha muslimiinta, gaar ahaan qadiyadda Falastiin.
  • Culimada waxaa ay ugu baaqayaan ururada Iskaashiga Islaamka, Raabidada Caalamka Islaamka iyo Jaamacadda Carabta in ay qabtaan shirar degdeg ah oo wax looga qabanayo dhibka ka socda Al-Aqsa.
  • Culimada waxaa ay ugu baaqayaan dhammaan beesha caalamka iyo inta nabadda jecel in ay shacabka Falastiin ku taageeraan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda.

Ciidamada Isra’il ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay mamnuucay in lagu tukado Masjidka Al-Aqsa oo ah masjidka 3aad ee masaajidyada barakeysan.

Cadawga Israa’il waxaa uu dhulka iyo shacabka Falastiin gumeysi ku hayaa in ka badan 70 sano, Masjidka waxaa ay ku qabsadeen dagaalkii 6da maalmood ee 1967dii.

Goobjoog News