U bood dhigaalka

Culimo Soo Saartay Daawo Dhiig Baxa Dhalmada Kadib

Haween badan ayaa u dhinta dhiig bax dhalamada kadib, hadda waxaa la soo saaray daawo ay culimada sheegayaan in ay u wanaagsan tahay dhiig baxa dhalmada kadib.

Daawada waxaa ay culimada ku sheegayaa “tranexamic acid”, waana daawo raqiis ah oo laga heli karo dhammaan dunida oo dhan.

Dawadan oo la soo saaray 60-maadkii qarnigii tagay ayaa waxaa loo isticmaali jiray cuduro kale, hadda waxaa lagu guuleystay in lagu daweyn karo dhiig baxa dhalmada kadib.

Dhakhaatiir la hadlay BBCda waxaa ay sheegayaan in haddii haweenka ay dawadan qaataan ay arrinkaasi yareyn doonto khatarta geeriga ama dhiig baxa dhalmada kadib.

Mid ka mid ah dhakhaatiirta waxaa uu sheegayaa in ay tahay arrin lala yaabo in caruurta hooyadood ku waayaan daawo hal dollar joogta.