U bood dhigaalka

Culumada Sayniska oo Helay Waddo Cusub oo Qofka Looga Soo Saarayo Runta

Sheeko:War

Culumada Sayniska oo cilmibaaris cusub sameeyay ayaa ogaaday in maskaxda oo meelo ka mid ah  la taabsiiyo koronto ” aan dhibaato u keenayn”, ay dadka kasoo saareyso runta iyo xaqiiqada dhabta ah oo ay qarsanayaan.

Culumadan cilmibaarista sameysay ayaa xadidaday ficilka xukumada go’aamada maskaxda, gaar ahaan haddii uu qofku run sheegayo amaba uu ka fakarayo dantiisa gaarka ah ee xaqiiqda dhabta ah ka fog.

Cilmibaarayaasha ayaa caddeeyay in la bedeli karo go’aamada maskaxda qofka, iyadoo la adeegsanayo hab  koronto ah oo aan waxyeello lahayn,  dadkana ku dhiirigelinay iney runta ku dhawaaqaan xaqiiqada dhabta ahna ay sheegaan.

Waxaa la tilmaamayaa in cilmibaarista ay kasoo baxday in adeegsiga daaweynta maskaxda ee noocan ah lagu sameynayo xuubka maskaxda ee loo yaqaanno (rDLPFC) sida ay sheegayaan cilmibaarayaasha.

Cilibaaristan dadkii ka qeybgalay waxaa la ciyaarsiiyay  Game uu qofku uu faa’idadiisa ku kordhin karo oo waddooyin qish ah oo aad u faa’ido badani ay ku jiraan, waxaana la arkay in dadka intoodii badneyd ay raaceen wadadii qishka ahayd ee aadka u faa’idada badneyd.

Cilmibaarayaasha ayaa  u sameeyay  dhiirigelin dhanka maskaxda ah ka qeybgalayaasha, iyagoo adgeesanaya habka korontada aan waxyeellada lahayn ee lagu dhiirigelinay xuubka “rDLPFC”.

Professor Christian Ruff ayaa yiri; “Natiijada dhiirigelinta aan ka gaarnay waxay noqotay iney hoos u dhigto dadkii wadada qishka ah wax ku raadinayay ,  waxay waajaheen dagaal dhanka akhlaaqda ah oo naftooda ah(sida; iyagoo is weydiiyay iney wadada ay ku socdaan iney tahay mid khaldan), laakiin ma’aaney saameyn dadkii markii hore aan raacin wadada qishka ah ee faa’iidada badan lagu helayo”.

Natiijiidan cusub ee cilmbaarista laga gaaray ayaa waxay bannaanka keenaysaa isweyddiin hor leh oo ah, intee ayuu le’eg yahay xiriirka ka dhaxeeya  hab dhaqanka wanaagsan diyaargarowga Biological-ka ah ee maskaxda aadanaha.

Goobjoog News