U bood dhigaalka

Cusmaan Barre Maxamed

Sheeko:War

Waxaa 13-kii bishan magaalada Jowhar lagu doortay, laguna dhaariyay guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed.

Cusmaan waxaa uu helay 61 cod halka murashaxii la tartamayey ee Abukar Xasan Cali uu helay 28 Cod.

Hadaba waa Kuma Cismaan Barre Maxamed:

Cusmaan Maxamed waxaa uu ku dhashay magaalada Baladweyn  ee gobolka Hiiraan sanadkii 1968, isagoo halkaas ku qaaday waxbarashada dugsiga hoose/dhexe.

Mr. Cusmaan waxbarashada dugsi sare waxaa uu sanadkii 1985-tii ka dhameeyay dugsi sare Sheekh Cali Suufi halka uu cilmiga Sharciga iyo Qaanuunka ka bartay Jaamacadda Culuumta iyo Tecknolojiyadda ee dalka Yemen sanadkii 2012-kii.

Shaqo:

Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Hirshabeelle, waxaa uu muddo ku dhexjiray howlaha labada gobol, isagoo dhowr jago halkaas ka soo qabtay, waxaa ka mid ah:

October 13, 2016: Waxaa loo doortay afhayeenka baarlamaanka ee Hirshabeelle.

2016: Xubin ka tirsan guddiga maamul u sameysay HirShabeelle.

2015: Guddoomiye ku xigeenka dib heshiisiinta  gobolllada dhexe.

2011/2012: Guddoomiya degmada Baladweyne .

2005-2008: Guddomiga maxkamadda gobolka Hiiraan.

Taariikhda Shakhsiyaadka ugu muhiimsan, kala soco, Goobjoog News