U bood dhigaalka

C/weli Gaas: Dalku Wuxuu u Baahan Yahay Xasilooni Siyaasadeed

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in loo baahan yahay xasilooni siyaasadeed, islamarkaana muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo midnimada.

Gaas ayaa sheegay in laga dhabeeyo isku imaanshiyaha madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada, shirkoodana ay kasoo baxdo natiijo wax ku ool ah.

“Waxaa loo baahan yahay maadaama aan isku wada nimid in waxyaabo yar yar dul istaagno….dakaan wuxuu u baahan yahay xasilooni siyaasadeed, waxay ku imaaneysaa wadatashi, waxay ku imaaneysaa isku imaatin, in inteenaani uu mar walbo tashigeenno mid yahay, dalkana xasilooni helo, mar walbo waxaa soo laab laabanayey is qilaaf wuxuu yahay la ogeyn, marka in wadajirka halkaan ka bilowdo, shirkaan ka bilowdo ay muuqato inaan cadowgaan mid ka nahay, iney ficil ahaan inooga muuqato in wadanku deggan yahay, dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ay wadashaqeynayaan, markaasaa dadku laftigiisu midoobayaan oo  meel kasoo wadajeedsanayaan”

Gaas ayaa soo jeediyey in la isku dhinac wado dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidoo kale dowlad wanaaggan.

“Madaxweyne Arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreyso Dastuurka oo ah heshiis bulsho oo waligiis nool in si sax ah looga wadahadlo, waxna la iska yiraahdo, waxaan rabnaa in dhanna ay socoto xasilintii iyo xoreyntii dalka, dhanna ay socoto dowlad wanaaggii, Dastuurka horumarintiisii iyo dowlad wanaaggii” ayuu yiri C/weli Gaas.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda shirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada oo qodobo badan looga hadlayo.

Goobjoog News