U bood dhigaalka

Daacish Oo Sarkaal Sare Looga Dilay Ciraaq

Sheeko:Dalka

Ciidamada waddanka Ciraaq ayaa sheegay in la dilay Cabdullaahi Al-Badraani oo loo yaqaanno sidoo kale Abuu Ayuub kaasi oo ka mid ahaa hogaamiyaasha ugu sarreeya ururka Daacish.

Wararka ayaa sheegaya in Al-badraani uu ku dhintay duqeyn ay geesteen ciidamada isbahaysiga caalamiga ah oo uu hogaaminayo Maraykanka waxayna ku duleen galbeedka magaalada Mowsil.

Waxaa la aamisanyahay in Al-badraani uu ahaa ninka soo saari jiray amarro badan oo ay ku dhaqaaqi jireen ururka Dacish kuwaas oo sida la sheegay keenay xadgudub dhimasho iyo ku tumashada xaquuqda dadka rayidka ah.

Ciidamada Ciraaq ayaa waxay isku dayayaaan inay dib u soo ceshadaan qeybta galbeed ee magaalda Mowsil halkaasi oo la rumaysanyahay inay joogaan hogaamiyaal ka tirsan Daacish.

Dowladda Ciraaq ayaa sidoo kale waxay soo rogtay amarro ay ku ilaalinayso dadka shacabka ah nabadgalyadooda inta ay socdaan weerarada u dhaxeeya ciidamada iyo Daacish kuwaas oo isku haysta galbeedka magaalada Mowsil.

Goobjoog News