U bood dhigaalka

Daahrog Cusub: Dalka Tunisia oo  Aadanuhu Ku Noolaanjiray 72000 sano Ka hor

Sheeko:War

Koox ka mid ah cilmibaarayaal dhanka cilmiga arkiyoologiga, ayaa helay lafo caddeynaya in ay dad ku noolaan jireen dalka Tunisia 72 kun oo sano ka hor.

Jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa qortay in goobta lafaha laga helay ay ahayd xilliyadii hore goob biyo dageen ah dhirbadanina ay ka baxdo, deegaan fiican u ahayd bani’aadamka iyo xayawaanka.

Daahroggan cusub ayaa tilmaamaya in bani’aadamkii hore ee ku noolaa dalka Tunisia 72 kun oo sano ka hor uu ugu horreyn goobtaa lafaha laga helay uu ka dhigtay deegaan, inta aanuu ku faafin Afrikada inteeda kale.

Dalka Tunisia ayaa ku yaalla meel waddooyin farabadan ku kala bayraan oo is tiraatiiji ah, iyadoo uu dalkaasi isku xiro Waqooyiga, Koonfurta iyo lamadagaanka Afrika iyo badda Mediterranean-ka, sidaa darteed dalka Tunisia waxa uu goob istiraatiiji ah u ahaa bani’aadamkii hore, marka uu safrayo.

Intii cilmibaaristan lagu jiray ayaa baarayaashu heleen lafo xayawaan iyo alaabo dhagaxaan laga qoray, mid ka mid ah deegaannada dalka Turnisia oo la yiraahdo Shatt al-Jarid.

Culumada cilmibaaristan sameysay ayaa qiray in daahroggan cusubi uu caddeyn u yahay in bani’aadam ku noolaanjiray goobta xilli aan ka yarayn 72 kun oo sano ka hor.

Culumada ayaa tilmaamay in lafahan la helay ay muhiimad gaar ah leeyihiin, marka la eego lafaha oo noole waaweyn ay ku jiraan, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Maroodi, Wiyil, xayawaanka hilibka ku nool iyo Goronyada.

Marka tan la eego, Nabiha Awadi oo mashruucan ka ahayd kaaliyaha Agaasimaha mashuurcan, ayaa tiri; “Howsha lagu ururinayo haraadiga waxay noo iftiimineysaa xaaladda cimilada caanka ka aha sub-Sahara uu yahay mid aad uga duwan tan hadda laga aaminsan yahay”.

Dhab ahaantii, goobtan lafaha laga helay oo loo yaqaanno Shatt al-Jarid ee ka tirsan dalka Tunisia ayaa xilliyadii hore ahayd goob ay ku yaallaan bado yaryar oo ay biyo ka buuxaan, isla markaana ay iskugu yimaaddaan shabakado wabiyo ah oo ka soo rogmada buuraha Atlas-ka.

Dhulka ay daboolaan biyaha Shatt al-Jerid ayaa ahaa 30 Km2, wabiyada dhulkaas ku yaallaana waxay biyaha ku shubayeen badda Mediterranean-ka, Professor Nick Barton ayaa sheegay in goobtani ay tahay tii ugu horreysay ee loo helayo si cad oo aan mugdi ku jirin, islama markaan ay hubaal tahay waxyaabaha la helay inuu yahiin kuwo xilligii ilbaxnimada Alatrah-ka ah.

Goobjoog News,