U bood dhigaalka

Daahrog Cusub oo 30 Kun oo Sanno Taariikhda ka hor ah oo Laga Helay Dalka Indonesia

Sheeko:War

Koox culumo cilmibaarayaal ah ayaa helay Jowharado qaali ah oo la adeegsan jiray ilbaxnimadii loo yaqaanno taariikhda horteed “Age Ice” amaba xilligii barafka, muddo lagu qiyaasay 22-30 kun oo sanno ka hor taariikhda aadanaha, daahroggan cusub ayaa laga helay godka caanka ah ee loo yaqaanno Godka Fanka (Cove art).

Tilmaamayaashan cusub ee laga helay godka ku yaalla jasiiradda Sulawesi ee dalka Indonesian ayaa ah silsilad qoor gashi ah oo sidii tusbix oo kale ah, laga sameeyay ilkaha doofaarka iyo  qardhaas(xirsi) ka sameysan lafo, waxaa laga helay alaab kale oo ku tusinaya waxsoosaarka faneed ee gododka taariikhiga ah ee xilliyadii ilbaxnimadii hore ee aadanaha.

Waxyaabahan la helay ayaa wakhtigoodu gaarayaa illaa 22, 30 kun oo sano ka hor taariikhda.

Warqad lagu faafiyay ” The National Academy of Sciences (PNAS)”, ayaa kooxdii baaritaannada wadday ee iskugu jiray Indonesian iyo Australian; ay sheegay in waxyaabahan cusub ee la helay oo ay ka midyihiin sawirrada iyo Jowharadaha ay intuba tusineyso waxyaabihii ay aamin sanaayeen bani’aadamkii noolaa xilligaas iyo iyagoo waxyaabaha isqurxinta ah ka sameysan jiray xayawaanka, gaar ahaan mararka ay Asia ka safayrayaan oo ay u tallaabayaan dhanka Australia.

Professor, Adam Brom oo hoggaaminayay cilmibaaristan ayaa yiri; “Qaar ka mid ah taariikhyahannada ayaa ku dooda in ilbaxnimadii barafka ay hoos u dhac dhanka dhaqanka ah u lahayd aadanaha, marka loo eego xilliyadii kale ee ugu dhawaa, laakiin caddeymaha aan hadda helnay aragtidaa si weyn ayay uga soo horjeeddaa”.

Goobjoog News