U bood dhigaalka

Daawashada Shaashadaha Telefishinka oo Cudurka Sonkorta U horseeda Caruurta

Sheeko:Caafimaadka

Shaashadaha telefishinka ayaa cudurka Sonkorowga u horseeda Caruurta muddo 3 saacadood ah ka badan korfadhida telefishinka maalintii.

Cilmibaaris cusub oo soo baxday kana hadlaysa qaadista cudurka Sonkorowga ayaa sheegtay in wakhti badan oo la horfadhiyo shaashadaha Telefishinku ay sabab u tahay qaadista cudurka.

Cilmibaarayaasha daraasaddan sameeyay oo u dhashay dalka Briten ayaa waxay baareen liiska in ku dhaw 4500 canug, waxay arkeen calaamado muujinaya khatarta ah iney qaadi karaan caruurtani cudurka Sonkorowga nooca 2, gaar ahaan caruurta saacadaha badan ku qaata daawashada shaashadaha telfishinka.

Caruurtan oo ka kala socday illaa 200 iskuul oo guud ahaan dalka Ingriiska ah ayaa la weydiinayay inta saacadood oo ay korfadhiyaan shaashadaha Telefishinka amaba ay ku ciyaaraan ย Games-ka dhanka Computerka ee caruurta.

Waxay ogaadeen caruurta 3 saacadood wax ka badan ku qaata shaashadaha telefishinka 11% ay ku badan tahay iska caabin Insulinta, marka loo eego asaagooda saacadaha ka yar ku qaata daawashada telefishinka.

Iska caabinta insulin waxay ka dhigan tahay inaan si wanaagsan aaney uga jawaabcelinayn xubnaha jirka , gaar ahaan unugyada beerka Insulinta sidii habbooneyd, Insulin waa hormoonka maamula heerka sokorta ee jirka.

ย Goobjoog News