U bood dhigaalka

DAAWO: Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Wadajir Oo La Gaarsiiyey Isbitaalka Madiina

Sheeko:Caafimaadka

14 ruux oo ku dhaawacmay qaraxii maanta ka dhacay xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa la geeyey isbitaalka Madiina, halkaasi  oo lagu daweynayo.

Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Madiina, Duniyo Cali Maxamed oo la hadashay Goobjoog ayaa sheegtay in 14-kaasi qof ay guryahooda dib ugu celiyeen 4 kamid ah oo qabay dhaawacyo fudud, ayna Isbitaalka hadda jiifaan 10 qof oo Saddex kamid ah dhaawacyadooda culus yihiin.

“Waxaa annaga nasoo gaaaray 14 qof, 4 kamid ah dhaawacyadooda wey iska fududaayeen, 10-kana wey jireen Labo illaa Saddex oo iska yara culus dhaawacyadooda, waxaan u qabannay adeeggii caafimaad ee dadkaasi u baahnaayeen” ayeey tiri Duniya.

In ka badan 17 qof ayaa ku dhintey qarax loo adeegsaday gaari oo maanta ka dhacay xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Halkaan hoose ka daawo muuqaallka

Goobjoog News