U bood dhigaalka

Daawo: Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Qodobo Badan Oo Xukuumadda Ka Qabatay Amniga, Dhaqaalaha Iyo Dhismaha Hey’adaha Dowliga Ah

Sheeko:Dalka

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre oo ka hadlayey bannaan-bax lagu taageerayay 100-kii maalmood ee dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa aad uga hadlay waxqabadka xukuumadda iyo sida ay ugu guuleysteen howlo ay ka mid yihiin ammaanka iyo soo celinta isku duubnida hey’adaha dowladda federaalka ah.

Ra’isul Wasaare Khayre Waxaa uu  ballan-qaaday in uu qof weliba heli doono xaqiiqa, kor u kaca dhaqaalaha dowladda, iyaga oo isu keenay khubaro ka shaqeysa dhaqaalaha dalka, jidkii Soomaaliya looga cafin lahaa deyn dhan 5.5 Bilyan oo Dollar taasi oo keeni karta maalgeshi.

Amniga waxaa uu sheegay in uu yahay udub dhaxaadka, waxaa uu soo qaaday sida amniga xaasimadda wax uga qabteen sida xakameynta hubka, fulinta qaraarka xukuumadda ee ahaa in aan hub weyn lagu wadi karin Muqdisho, in hubka sharci darrada ah ganacta lagu soo dhigo iyo in ay qaadeen jid-gooyooyin.

Waxaa kale oo ra’isul wasaaraha ka hadlay in garoonka Aden Cadde uu hadda shaqeyn karo habeenkii, maamulka hawada uu dhawaan soo geli doono gacanta Soomaaliyeed.

Qorshaha xukuumadda waxaa uu ka yiri” “Sidaan horey ula wadaagnay umadda Soomaaliyeed qorshaha xukuumadda waxaa saldhig u ah qodobo ay kamid tahay ka guul gaarista xasiloonida guud ee dalka, gaar ahaan sidii loo sugi lahaa amniga, waxaa kaloo saldhig u ah kobcinta dhaqaalaha iyo in la abuuro shaqooyin, lalana dagaallamo musuqmaasuqa, sidaasi daraadeed, waxaan rabaa inaan idiin soo gudbiyo waxqabadka xukuumadda”.

“innaga oo jirnay 60 maalmood oo kaliya waxaan rabaa inaan caddeyo waxyaabaha inoo qabsoomay, waxay xukuumadda bilowday shaqo iyadoo dalka ay ka jirto abaar aad u baahsan, waxaan bilownay inaan isugu yeerno shacabka Soomaaliyeed sidii ay isugu gurman lahaayeen, waxay shacabka kaligood ku guuleysteen iney uruuriyaan in ka badan 5 milyan oo doolar, waa markii ugu horreysay oo dadka Soomaaliyeed sidaas u uruuriyaan dhaqaale iyaga isugu gurmanayaan taasi waxay qeyb ka tahay bilowga dowladnimada, amaanada shacabka Soomaaliyeed waxaa la gaarsiiyey dhammaan gobollada dalka oo dhan”

Xukuumadda Lixdankii maalin ee jirtay ayuu sheegay iney ku guuleysatay in qof walba oo u shaqeeya dowladda la siiyay mushaarkii uu xaqa u lahaa, iyadoo aanay helin dhaqaale aan ahayn kan ay inta bixiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Mr. Kheyre ayaa sheegay in lagu guuleystay in la xaqiijiyo ammaanada ay shacabka Soomaaliyeed u dhiibaan dowladda, wuxuuna rajo ka muujiyo in la awoodi doono in qof walbo helo waxa uu xaqqa uga leeyahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay Ra’iisul wasaaraha in mudadaasi kooban uu sare u kacay daqligii soo geli jiray dowladda, dib u habeynna ku sameeyaan qaabka loo maareeyo bixitaanka qarashaadka dowladda oo dhan, ayna bilaabeen iney ka shaqeeyaan sidii la isugu keeni lahaa khubaro dowladda kala shaqeeya kobcinta dhaqaalaha dalka oo dhan.

Waxyaabaha u qabsoomay xukuumadda ee uu sheegat Ra’iisul wasaaraha waxaa kamid ah iney bilaabeen jidkii Soomaaliya looga deyn lahaa deynta lagu leeyahay Soomaaaliya oo dhan 5.5 Malyuun oo doolar, isaga oo tilmaamay in haddii ay dedaalaanay jecelyihiin muddo sanad iyo Bar gudahood lagu soo afjaro Soomaaliya haddii lagu guuleystana ay furmi doonaan albaabada maalgashiga, dib u yagleelidda dowladnimada umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa mar uu amniga ka hadlay wuxuu sheegay in amniga yahay udub dhexaadka nolosha, ayna bilaabeen dadargelinta sugidda amniga magaalada Muqdisho, sidoo kalena bilaabeen xakameynta hubka oo micnaheedu yahay in la fuliyo qaraarkii kasoo baxay golaha wasiirada kaasi oo ahaa in hub waaweyn lagu wadan karin magaalada Muqdisho.

Halkaan hoose ka daawo khudbadda Ra’iisul wasaaraha oo dhammeystiran: