U bood dhigaalka

Dab Ka Kacay Guri Ku Yaalla Degmada Hodon Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dab khasaare hantiyeed geystay ayaa maanta ka kacay guri ku yaalla degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Siigaale.

Dabkan kacay ayaa ka dhashay koronto gurigaasi ku jirtay, waxaana gabi ahaanba basbeelay gurigaasi.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in dabkan uu kacay kadib markii wiil yar oo kamid ahaa dadkii deganaa gurigaasi uu shiday Tv balse cilad koronto oo jirtay awgeed uu Tv-ga gubtay, kadibna dabka uu ku faafay guriga intiisa kale.

Dadka deggan  xaafadaasi oo aan u kala harin ayaa ku guuleystay ugu dambeyn in dabka ay damiyaan iyadoo aan halkaasi tagin wax dabdamis ah.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan dambe kusoo badanayey gubashada guryaha iyo sidoo kale xarumaha ganacsiga, waxaana sababta ugu weyn ay tahay taxaddar la’aan korontada iyo sidoo kale dabalyaha socda oo dabka sii hurinaya.

Goobjoog News