U bood dhigaalka

Dab Ka Kacay Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dab aad u xooggan ayaa abaare 9-kii saac (3:00 AM) ee xalay ka kacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo illaa iyo saakay halkaasi ka socda.

Dadbka ayaa ka kacay sida la sheegay qeybta suuqa Al-khaliifa ee isla Bakaaraha, waxaana halkaasi ku baaba’ay hanti aad iyo aad u badan.

Goob jooge ku sugan Bakaaraha ayaa inoo xaqiijiyey in dabka sidoo kale uu ku faafay qeybta Maacuunta iyo Malabka ee Suuqa Bakaaraha, waxaana sidoo kale laga baqayaa in meello kale uu gaaro.

Gaadiidka dabdamiska ah ayaa gaaray halka dabka uu ka kacay, waxaana socda dedaal badan oo lagu doonayo in dabkaan lagu damiyo.

Warar kala duwan ayaa laga helayaa qaabka dabkaan uu u kacay, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu ka bilowday meel lagu dubo Bun Qaxwada.

Inkastoo khasaare badan uu jiro hadane cadadka khasaaraha weli lama hayo, waxaana sidoo kale goobta gaarey ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo amniga sugaya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News