U bood dhigaalka

Dab Khasaare Hantiyeed Geystay Oo Maanta Ka Kacay Degmada Guriceel, Galgaduud

Sheeko:Dalka

Dab khasaare hantiyeed geystay ayaa maanta waxa uu ka kacay kaalin shidaal oo ku taalla degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dabkan ayaa ku faafay guryo ku dhowaa Kaalinka, waxaana wararka ay sheegayaan in saacado uu socday.

Bashiir Maxamed C/raxmaan, guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmada Guriceel ayaa u sheegay Goobjoog News, in dedaal dheer kadib ay ku guuleysteen in dabkaasi ay damiyaan.

Guddoomiye ku xigeenka ma aanu faah faahin khasaaraha hantiyeed ee dabkaasi ka dhashay inta uu la egyahay.

Warar madax bannaan ayaa sheegaya in dabkaan uu ka dhashay koronto ku jirtay Kaalinka shidaalka.

Goobjoog News