U bood dhigaalka

Dacwada Badda: Kenya Oo Jawaab U Dirtay Maxkamadda Cadliga Adduunka

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa shalay ka jawaabtay kiiska dacwad badeedka ay Soomaaliya hor-dhigtay maxkamadda cadliga adduunka ee Hague, Netherlands.

Dacwada ayaa ku saabsan in la xadeeyo badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ee badweynta Hindiya, iyada oo la oogay 28 August 2014. Kiiskan, Soomaaliya waxaa ay rabtaa in xadka noqdo “equidistant line” oo masaafo simman loo jirsado.

Sida ay Kenya ku doodeyso in xadka badda ee Soomaaliya kala dhaxeeya uu yahay qaab u sameysay (along a parallel of latitude)  ama khad balac ah taas oo leeyihiin waxaa ay ku soo baxday Dekereeto madaxweyne markii ugu horeysay  1979 iyo mar kale 2005.

Kenya waxaa ay sheegtay in uu muranka bilowday markii Kenya ka codsatay Qaramada Midoobey xaqeeda Continental Shelf 2009-kii,  ee ka baxsan biyaha  200 Mayl.

Soomaaliya ayaa dacwada badda bilowday 2014-kii, iyada oo dacwada hadda gaartay maxkamadda cadliga adduunka

Kenya waxaa ay ku doodeysaa in dhul badeedka lagu muran-san yahay ay ka sameyn karto roondo, kaluumeysi, cilmi-baaris la xiriirta badda  iyo in ay ka qodi karto nafto iyo gaas.

” Iyada oo Kenya xushmeyneysa kaalinta muhiimka ah ee maxkamadda cadliga adduunka ee xalinta murannada iyo horumarinta nabadda hadana Kenya waxaa ay rumeysan tahay in uu yahay xalka keliya ee muranka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya”Sidaasi waxaa yiri Githu Muigai

Muigai waxaa uu intaasi ku daray in ay Kenya sii wadi-doonto taageerada ay siiyo Soomaaliya balse ay Kenya xuduudaheeda ka difaaci-doonto wax walbo oo dhib ah.

Maxaa La Isku Heystaa?

Dalka Kenya ayaa ku doodaya lahaanshiyaha dhul badeed  lagu qiyaasay ilaa 100,000km2 oo ku dhaw berriga Soomaaliya, halka Soomaliyana ay isla dhulkaas sheeganeyso in ay biyaheeda ka mid yihiin.

Dhulkan la isku heysto ayaa la sheegay in ay ku jiraan Gaas iyo Saliid, dowladda Kenya ayaa dhulkaas heshiis kula gashay shirkado shisheeye in ay ka baaraan shidaal, ilaa 44 jeer ayaa Gaas iyo Saliid laga baaray goobtaas lagu murnasan yahay, shirkadaha baaritaanka ka sameeyay ee Kenya ay heshiiska la gashay waxaa ka mid ah Total, Eni iyo PanContinental. .

Soomaaliya ayaa ka carrootay heshiisyada dalka Kenya iyo shirkadaha shidaalka la gashay ee baddeena lagu baaryo, waxaa ay dacwad u gudbisay Maxkamadda Cadliga Aduunka, labada dal ayaa isla gartay in koox weliba ay dacwadeeda hordhigto qareennada maxkamadda cadliga adduunka.

Soomaaliya ujeedadeeda waa in la xadeeyo badda iyo dhulka ku dhaw halka Kenya ay dooneyso in sameeyo xariiqin badda ah.

Goobjoog News