U bood dhigaalka

Dad Hor Leh Oo Uu Soo Ritey Cudurka Shuban Biyoodka, Deegaanka Gadoon Ee Galgaduud

Sheeko:Caafimaadka

Waxaa sii kordhaya dadka uu soo ritay cudurka shuban biyoodka kuwaasoo 24-kii saac ee lasoo dhaafay la dhigay Isbitaalka degaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha degaanka Gadoon, Cabdi Axmed Yuusuf ayaa u sheegay Goobjoog in weli dadka degaanku ay baahi u qabaan daawooyinka cudurkani oo dhowaan degaankaasi ka dillaacay.

Waxa uu sheegay in saacadihii la soo dhaafay dad badan la dhigey Isbitaalka degaanka Gadoon oo uusan ka jirin adeeg caafimaad oo wanaagsan.

โ€œDad aad badan ayuu cudurka shuban biyoodka soo ritey, dadku waa kuwo u baahan gurmad caafimaad oo degdeg ah, Isbitaalka wax dawo ah kama jirto, maalin walbana cudurka waxa uu soo ritaa dad hor lehโ€ ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn Guddoomiye Cabdi Axmed ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug iyo hayโ€™adaha samofalka ah in gurmad dhan walbo leh lasoo gaaraan dadka ku xanuunsanaya deegaanka Gadood.

Goobjoog News