U bood dhigaalka

Dad Ku Dhibaateysan Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Guddiga qiimeynta abaaraha gobolka Gedo ayaa sheegeya iney dhibaato badan heysato qoysas badan oo ka soo cararey abaarta ka jira miyiga Garabahaarey.

Gudoomiyaha Guddiga Buraale Ibraahim Xaaji ayaa u sheegay Goobjoog News in ilaa iyo hadda aysan wax gurmad ah ka helin hey’adaha gargaarka iyo dowladda midna.

Buraale waxaa uu sidoo kale sheegey in qoysaskan ay xoolaha inta badan ka dhamadeen iyagoo iskaga soo cararey degaanadii ay ku noolaayeen.

Dhinaca kale, hey’adda culumada Soomaaliyeed ayaa walaac  ka muujisay xaalada abaaraha ee ka jira meelo badan oo ka mid ah gobolada dalka..

Sheekh Nuur Baarud Gurxan ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iney caawiyaan dadka masaakiinta ah ee abaarta ay sameesay oo aaney sugin hey’ado kale.

Sheekh Baaruud waxaa uu dowladda Soomaaliyeed ku dhaliiley iney ka gaabisay  u gurmashada dadka abaaraha ay sameyeen iyadoo uu xusay inay ku mashquulsan yihiin dowladda iyo dhamaan dadka oo dhan  dorashooyin iyo arimo siyasaded waxaana xiligan jirta sida uu tilmamay xaalad adag.

Goobjoog News