U bood dhigaalka

Dad Ku Dhintay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Ceelasha

Sheeko:Dalka

Shil gaari oo khasaaraha geestay ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka ceelasha biyaha, shilkan ayaa waxaa sababay ka dib markii ay isku dhaceen labo baabuur oo gadiidka dadweynaha ah, taas oo keentay khasaare is kugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Mugdisho Xasan Xaaji oo la hadashay Goobjoog News ayaa waxa uu sheegtay in maalmahaan deegaankaas ay ku soo badanayeen shilalka nuucaani oo kale ah, taasi oo ay ugu wacantahay wadayaasha gaadiidka oo xawaare dheereeya ku wada baabuurta.

“Gaari caasi ah waxaa ku dhimatay 5 qof oo mid ka mid ah oo sawirkiisa la haayo afarta kalana waa la aasay, dorraadna waxaa isku dhacay gaari AMISOM”.

Shilka maanta ka dhacay deegaanka ceelasha biyaha ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 5 qof halka ay ku dhaawacmeen 4 kale, dadka dhaawacmay ayaa waxaa la gaarsiiyay isbitaal ku yaallo deegaanka ceelasha biyaha.

Shilalka ka dhaca wadada xiriirisa Afgooye iyo magaalada Mugdisho ayaa soo badanaya taasi oo sabab u ah wadooyinka oo burbursan iyo wadayaasha gaadiidka oo xawaare dheereeya isticmaala.

Goobjoog News