U bood dhigaalka

Dad Ku Sumoobay Caano Ay Cabeen, Duleedka Degmada Cadaado Ee Galgaduud

Sheeko:Caafimaadka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xaaladda caafimaad ee dad ku sumoobay caano ay cabeen deegaanka Qaradhi oo qiyaastii 15-km dhanka Galbeed kaga beegan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Inta la xaqiijiyey 11 qof oo kamid ah dadkaan sumoobay ayaa lasoo gaarsiiyey Isbitaalka degmada Cadaado si loo daweeyo, iyadoo dadka qaarna xaaladooda ay tahay mid daran.

Dadkan oo aan isku qoys ahayn ayaa siyaabo kala duwan u iibsaday sida la sheegay caano sumeysan, waxaana jira dad kale oo aan weli lasoo gaarsiin Isbitaalka degmada Cadaado.

Maxamed Macallin Xirsi, waxa ay ehel yihiin qaar kamid ah dadkii ku sumoobay caanaha, waxaana uu Goobjoog News u sheegay in dadkaan aysan isku meel wax ku cunin, balse caano qof iib u keensaday ay cabeen.

โ€œCaanaha qof baa iib u keensaday, qof walbo wixii uu rabay buu ka gatay, markii guryahoodii tageen oo ay cabeen ayeey ku sumoobeen, Isbitaalka Cadaado ayaa la keenay weyna iska xanuunsanayaan, waxna ma cunayaanโ€ ayuu yiri Xirsi.

Dhanka kale Maxamed Cali oo kamid ah howlwadeennada isbitaalka degmada Cadaado ayaa u sheegay Goobjoog News, in dadkaasi xaaladooda ay soo hagaageyso, islamarkaana ay dhankooda ay wadaan dedaal dadkaasi lagu daweynayo.

Sidan oo kale marar badan dad Soomaaliyeed ayaa ku sumoobay Caano, biyo ama raashin ay cuneen.

Goobjoog News