U bood dhigaalka

Dad Loo Xirey Afartii Qof Ee Lagu Diley B/xaawo

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay xabsiga dhigeen dad ku eedeysan iney ka dambeeyeen Afartii qof ee lagu diley degmada B/xaawo ee gobolka Gedo.

Maxamed Cabdi Kaliil, wasiiru dowlaha wasaaradda amniga ee maamulka Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in cid walbo oo ku lug lahayd falkaasi ay xabsiga dhigeen, islamarkaana ay cadaaladda horgeyn doonaan.

Wuxuu sheegay in dilka dhacay uu ahaa wax ka baxsan xuquuqda aadanaha sidaasi darteedna ay maxkamad soo taagi doonaan dadka ay hayaan.

Ma aanu sheegin tirada dadka loo xirey kiiskan iyo waxa ay kala yihiin, balse warar madax bannaan ayaa sheegaya iney ku jiraan mas’uuliyiin degmada B/xaawo ah.

“Waan ka xunnahay wixii habeen kahor ka dhacay degmada, waxaan falkaasi u xirnay dhammaan dadkii ku lug lahaa, maxkamad ayaa lasoo taagi doonaa, waxaana la marsiinayaa waxa ay cadaaladdu ka qabto” ayuu yiri Kaliil.

Habeen kahor askar ka tirsan ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa saldhigga degmada B/xaawo waxay kala baxeen Afar ruux, iyaga oo duleedka degmadaasi kusoo toogtay.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada