U bood dhigaalka

Dad Uu Soo Ritey Cudurka Shuban Biyoodka Oo La Gaarsiiyey Cadaado

Sheeko:Caafimaadka

Dad badan oo uu soo ritey cudurka shuban biyoodka ayaa la gaarsiiyey isbitaalka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo lagu daweynayo.

24-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa lasoo sheegayaa in isbitaalkaasi la geeyey dad tiro ahaan gaaraya 51, sida uu Goobjoog News u sheegay agaasimaha Isbitaalkaasi Dr. Maxamed Cumar Yuusuf.

Agaasimaha ayaa sheegay in dhammaan dadkaan laga keenay deegaanka Iidoole ee gobolka Galgaduud, islamarkaana halkaasi ay u direen koox caafimaad si ay u baaraan waxa sababay cudurkaasi.

Sidoo kale agaasimaha ayaa sheegay in deegaanka Iidoole ay ku dhinteen Labo ruux oo kamid ahaa dadkii cudurka shuban biyoodka uu soo ritey.

โ€œDad badan oo buka ayaa deegaankaasi jira, Isbitaalkiina waxaa la keenay 51 oo cudurka shuban biyoodka uu soo ritey, Labo ruux deegaanka ayeey ku dhinteenโ€ ayuu yiri Dr Maxamed Cumar.

Ugu dambeyn agaasimaha Isbitaalka degmada Cadaado Dr Maxamed Cumar Yuusuf ayaa ugu baaqay wasaaradaha caafimaadka dowladda Federaalka, maamulka Galmudug iyo hayโ€™adaha caafimaadka ah iney kaalin ka qaataan wax u qabashada dadkaan, maadaama ay yar tahay dawada isbitaalka taalla.

Cudurka shuban biyoodka ayaa faro baโ€™an ku haya dadka ku nool deegaanno badan oo gobollada dalka ah, waxaana cudurkaan inta uu ka dilaacay dalka bilihii ugu dambeeyey u geeriyootey dad gaaraya 289 waxaana isbitaallada u yaalla 875 ruux.

Goobjoog News