U bood dhigaalka

Dad Uu Soo Ritey Shuban Biyood Oo La Dhigay Isbitaalka Jowhar

Sheeko:Caafimaadka

Dad gaaraya 30 qof, islamarkaana uu soo ritey cudurka shuban biyoodka ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa la dhigay isbitaalka jowhar, kuwaasi oo xaaladooda lala tacaalayo.

Dadkaan ayaa dhammaantood laga keenay Tuulada Nuunkaay oo ku dhow degmada Jowhar, waxaana dadka qaar la sheegay iney aad u liidato xaaladooda caafimaad.

Wariyaha Goobjoog ee Shabellaha Dhexe, Cismaan Cabdalla ayaa soo sheegaya in sidoo kale ay jiraan dad kale oo cudurkaasi soo ritey lana keenay isbitaalka Jowhar kuwaas oo deganaa deegaanno kale oo Jowhar ku dhow, maadaama meelaha dadkaan laga keenay aanu ka jirin xarun caafimaad.

Saraakiisha caafimaadka isbitaalka Jowhar ayaa dhankooda sheegay in hadda ay Isbitaalkaasi yaallaan 35 ruux oo qaba cudurka shuban biyoodka, laguna dedaalayo wax ka qabashada xaaladooda caafimaad.

Cudurka shuban biyoodka ayaa ku faafay tuulooyinka ku teedsan Wabiga Shabelle ee mara gobolka Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News