U bood dhigaalka

Dagaal Beeleed Ka Socda Gobolka Sool

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka soconayo dagaal beeleed u dhaxeeya maleeshiyo beeleed, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Dagaalladan ayaa xooggooda ka socda deegaanno ku dhow degmada Laascaanood, iyadoo u dhaxeeyo xoolo dhaqato.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhimatay 3 qof,  iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Dad ku dhow halka lagu dagaallamayo ayaa sheegay in dhinayacyada is haya ay gurmad kala helayaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News