U bood dhigaalka

Dagaal Dib Uga Bilowday Deegaanka Xeraale Ee Galgaduud

Sheeko:Dalka

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Ahlu-sunna iyo kuwo taabacsan maamulka Galmudug ayaa saakay oo Jimco ah waxa uu dib uga bilowday deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Dad ku dhow deegaanka ayaa u sheegay Goobjoog News, in dagaalka uu yahay mid xooggan, islamarkaana hub culus ay Labada dhinac isku adeegsanayaan.

Dagaalkan ayaa daba socda dagaal sidan oo kale ah oo Labadan dhinac maalintii shalay ahayd ku dhexmaray deegaanka Xeraale.

Dagaalladan waxaa ku dhintey in ka badan 10 qof, iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Ahlu-sunna ayaa Todobaad kahor ciidan badan geysay duleedka deegaanka Xeraale halkaasi oo xiisadda ay ka dhalatay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News