U bood dhigaalka

Dagaal Ka Socda Duleedka Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in duleedka magaaladaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan ayaa ka soconaya deegaanka Sarjamaale oo duleedka ka ah Gaalkacyo, waxaana uu bilowday dagaalkan kadib markii dhinacyadaasi isku fahmi waayeen arrin xoolo ku saabsan.

Hase ahaatee goob joogayaal ayaa inoo xaqiijiyey in dagaalka ay ku biireen Maleeshiyaad badan oo kala taabacsan maamullada Puntland iyo galmudug.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, welina waxaa la maqlayaa rasaas xooggan, mana jirto wax war ah oo dagaalkaan kasoo saareen Puntland iyo Galmudug.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News