U bood dhigaalka

Dagaal Ka Socda Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu ka soconayo dagaal u dhaxeeya Maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka ayaa ka socda sida la sheegay deegaanka Balli-busle ee gobolka Mudug, iyadoo dagaalkanna uu ka bilowday sida la sheegay xoolo la kala dhacay.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ayaa dagaalkan ka dhashay, hase ahaatee khasaaraha guud inta uu la egyahay weli lama oga.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in dagaalka uu yahay mid xooggan, iyadoo aanay jirin waxgarad ama cid kale oo dhinacyadan kala dhexgashay.

Maalmihii ugu dambeeyay dhinacyadan dagaallamaya waxaa u dhaxeeyay xiisad, waxaana waxgaradka Labada ay wadeen dedaal ay dhinacyadan ku heshiisiinayeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News