U bood dhigaalka

Dagaal Laga Baqayo In Mar Kale Uu Ka Dhaco Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in saakay oo Arbaco ah halkaasi laga dareemayo xiisad dagaal oo u dhaxeysa maamullada Puntland iyo Galmudug.

Ciidamo Badan oo Labada dhinac ah ayaa la sheegay iney ku qulqulayaan magaaladaasi, waxaana dadka faro ku tiriska ah ee ku haray Gaalkacyo ay ka baqanayaan in mar kale dhinacyadaasi ay dagaallamaan.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa u sheegay Goobjoog News, iney ka baqanayaan dagaallo kale oo ka billowday magaaladaasi.

Puntland, war ay shalay soo saartay waxay ku sheegtay in dagaallada Gaalkacyo ay ka qeybqaadanayaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaallada Gaalkacyo ayaa noqday kuwo iska soo daba laabta, iyadoo weli aaney muuqan xalka ugu dambeeya ee dagaalladaasi.

Waxgaradka gobolka Mudugna waxay iyaguna ku guul dareysteen iney damiyaan xiisaddan, kadib markii 10-kii bishan ay Labada dhinac dagaallameen xilli lagu ballansanaa in ciidanka la kala qaado.

Goobjoog News