U bood dhigaalka

Dagaalyahanno Ka Tirsan Al-shabaab Oo Gudaha u Galay Ceelbuur

Sheeko:Dalka

Warar goor dhow aynu ka helnay degmada Ceelbuur ayaa sheegaya in dagaalyanno ka tirsan Al-shabaab ay gudaha u galeen degmadaasi, iyadoo Isgaarsiinta degmada ay hawada ka bax baxayso.

Dad ku dhow degmada Ceelbuur ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, iney arkeen dagaalyahanno Al-shabaab ah, kuwaa oo sii galaya degmada Ceelbuur.

Saraakiisha ciidanka dowladda iyo maamulka degmadaasi oo aynu xiriir la sameennay  ayaan inoo suuragelin in arrintaasi aan ka wareysanno.

Ciidamada Itoobiya ayaa goor sii horreysay oo maanta ah waxay isaga baxeen degmadaasi, iyaga oo aaday dhanka degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Lama oga sababta ka dambeysay in ciidamada Itoobiya ay uga baxaan degmadaasi, balse waxaa jiray maalmihii ugu dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ay ciidanka Itoobiya ku doonayeen in ay degmada Ceelbuur uga baxaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News