Dal burburay, Sidee dib loogu dhisaa?

Burbur

Dal burburay dib u dhiskiisa waxyaabaha aas aasiga u ah waxaa ka mid ah dowlada dhalata burburka kadib iyo siday u dhaqanto. Sida ay ula dhaqanto dadka dagaalka kasoo baxay ee burburka ku sugnaa mudada dheer, sida ay ula dhaqanto mucaaradka iyo kuwii ay doorashada uga guulaysatay iyo sida ay u gudato shaqada u taala ama muhiimka u ah dib u dhiska iyo xasilinta siyaasada. Shaqooyinka badan oo muhiimka ah, dowlada burburka dabadii dhalataa kuma wada filna, laakiin waxaa jira sadex shaqo oo qabashadoodu ay ahmiyad weyn leedahay, horya tablayn leedahay, wax weynna ka tari kara saldhigashada iyo hirgalidda dowladnimada. Sadexdaasi shaqo oo kala ah Shaqo abuuridda, bixinta adeeg caafimaad iyo dowlada oo noqota dowlad nadiif ah. Howlahaas qabashadoodu ma adka, saamayntooduna wey weyn tahay.
Haddaba, Maxay muhiim u tahay shaqa abuuriddu? Sidee shaqo looga abuuri karaa dal burburay? Yaase loo abuurayaa shaqada? Sababaha ugu waaweyn ee wadamada burburay ay dagaalada dib ugu noqdaan inta badan, waa ragga dhalinta yar oo dowladda ka hor yimaada ama ay isticmaalaan kuwa dowlada kasoo horjeedaa. Waxaana keenta ragga dhalinta yar oo aan haysan shaqo iyo waxay qabtaan ama aan helin waxyaabihii aas aasiga u ahaa noloshooda. Haddaba raggan dhalinta yar xagee shaqo looga abuuri karaa?
Inta badan dowladaha burburka kadib dhasha waxay xooga saaraan dhisida iyo balaarinta shaqaalaha rayidka ah. Tirada shaqaale rayid ah oo shaqo loo abuuri karaa wey yar tahay, mana dabooli karto baahida shaqooyinka loo baahan yahay, maxaa yeelay raggan dhalinta yar ee shaqada loo rabo, intooda badani ma aha kuwa qaban kara shaqooyinka shaqaalaha rayidka ah oo u badan qaar u baahan xirfad iyo waaya aragnimo. Shaqooyinka aan xirfadda badan u baahnayn si balaaran waxaa looga abuuri karaa habka aan dowliga ahayn. Waxaana ka mid ah dhinaca dhismaha oo shaqooyin badan laga abuuri karo, maadaama dalku burburay dhisme baddanna u baahan yahay. Dowladu waa inay samaysaa canshuur dhaaf xaga qalabka dhismaha ah si ay ugu sahlanaato in dadweynuhu dhisto gurtohooda iyo in la joojiyo lacagaha sharciga ku magacaaban laakiin baadda iyo handadaada ah oo ay maamulada degmooyinku (Banaadir) ka qaadaan dadka guryaha dhisanaya oo mar marka qaar caqabad ku noqda in dadku guryohooda dhisto ama dayac tirto.
Marka dalku burburo waxaa la burbura adeegyadii aas aasiga ahaa ee ay dowladu bixinaysay oo caafimaadku ka mid yahay. Waxaa kale oo jirta dagaaladii dhacay iyo dhibaatooyinkii faraha badnaa ee ka dambeeyay inay dadka u keeneen caafimaad darro baahsan, oo ay usii dheertahay inta ku dhaawacanta qaraxyada iyo weerarada dhaca baryahan. In dowladu bixiso adeeg caafimaad oo tayaysan waxay daweynaysaa dadka dalkan oo bukaanka u batay, xaga jirka iyo xaga dhimirka labadaba. Dadku inuu bogsado waxay horseed u noqoneysaa in dowladnimaduna bogsato.
Dowlad nadiif ah oo hufnaan iyo hagar li’i ku shaqeysaa aad bay muhiim ugu tahay kasbashada addeeca iyo taageerada dadweynaha. Maalintii ay Soomaaliya madaxbanaanida qaadatay ilaa maanta dadka waxaa lagu wareeriyaa waxbaa la musuqey iyo waxbaa la maasuqey, dowladnimada reer hebel ba ku hodmay iyo dowladaa reer hebel ku duulaysa ama reer hebel baa dowladnimada duminaya.
Baladaas iyo dulmigaa isku dahaarani wax run ah iyo wax been ahiba, waxay sababeen in dadkii kala aamin boxo, dowladnimadana ka aamin boxo, waana ta lagama maarmaanka ka dhigaysa in la helo dowlad nadiif ah oo sare u qaadda dowlad wanaagga. In lahelo dowlad nadiif ah oo miisaaniyada dhowrta, fara caddina ku shaqeysa, waxay sabab wanaagsan u noqonaysaa in dadweynuhu aqoonsado dowlada, aamino in dowladu u shaqeynayso, dantoodana ka shaqeynayso. Waxay kaloo sababeysaa siyaasiyiinta xun xun ee lacagta dadweyanaha gurta inay siyaasada kusii jiri waayaan. kuwa wan wanaagsan ee xalaal miiradka ahina ay helaan fursad ay dadka iyo dalka ugu shaqeeyaan.
Hadii dowladu si hagaagsan oo howlkarnimo leh u qabato sadexdaa shaqo waxaa fududaanaysa in ay dowladu hogaamiso dadka, maxaa yeelay hadii raggii dhalinta yaraa shaqo loo abuuray oo ay kasii jeedaan, intii bugtayna heleen daweyn iyo baxnaanin oo dowlada nadiifta ah darteed kuwii dowlada war keeda xun tashiili jiray waayaan waxay sheegaan, waxaan shaki ku jirin in ilaa xad la helayo siyaasad xasilan iyo dad dantooda u xakameysan, taas oo Soomaaliya ku ridi karta dariiqii dowlad wanaagga iyo nabad waarta ku wada noolaadka.

 

Abdikarim Alikaar, GoobjoogNew


error: Content is protected !!